DAAWO: Munaasabad lagu dhaacinayay Musharaxnimada Xildhibaan ee Raisal Wasaare Cabdiwali oo Muqdisho lagu qabtay.

Magaalada muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu shaacinayay Musharaxnimada Xildhibaan ee Raisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Raisal Wasaare Cabdiwali oo ay wakiilo madal joog u ahaayeen wakiilo kumatalayay kulanka ayaa madasha laga sheegay in uu u taaganyahay kamid noqoshada Xildhibaanada Baarlamaanka ee heer Federal.

Odayaal, Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kala duwan ayaa kulanka ka qeybgalay kuwaas oo qaar kamid ah ay Raisal Wasaaraha Ku canaanteen in uusan beesha Waxba u qaban mudadii uu xafiiska joogay sidaas awgeedna uusan mudneyn in uu boos uu iyaga kumatalayo loo dhiibo, Halka Tiro aan badneyn oo ka qeybgalayaasha kamid ahne ay ayideen in xilka xildhibaanimo loo dhiibo.

Cabdiwali ayaa mudooyinkii dambe qarinayay muujinta hardanka uu ugu jiro qabashada xilka xildhibaanimo balse ugu dambeyn isa soo shaac bixiyay.

Inbadan oo bulshada kamid ah ayey layaab Ku noqotay sida shakhsi mansab Raisal Wasaarenimo gaaray uu ugu tartamo xildhibaan oo ah maqaam ka hoseeya kuu soo maray, inkastoo soomaalida aysan aqoon darajeynta jagooyinka iyo sida ay ukala sareeyaan.

Xilka xildhibaanimo ee uu cabdiwali damaca uga jiro waxaa hadda Ku fadhiya Mudane Maxamuud Cali Magan oo ay isku jifo hoose yihiin lamana oga sida beesha ay masuuliyiintani kasoo jeedaan ukala reebi doonaan labadani masuul

HOOS KA DAAWO SAWIRADA MUNAASABADDA LAGU SHAACIYAY MUSHARAXNIMADA XILDHIBAAN EE EX-RAISAL WASAARE CABDIWALI SHEEKH AXMED.
received_969662413132996
received_969662406466330received_969662406466330

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.