Madaxda Qaranka Soomaaliya Midnimada Dalka maxay ka qabteen By Cabdulaahi jimcaale?

jim

Waa su,aal mudan in laysweydiiyo,in shacabku ka xisaabtamo,aqoonyahanadu in ay ka hadlaan,wadaniyiintu in ay ku baraarugaan ,waa xaalad hadda mudan in laga banaanbaxo oo tacadiyada iyo hagardaamada kuwa maanta inooga masuulka ah hoggaanka Dalka ay ugeysanayaan qaranka midnimadiisa loo tuso waxa aan u kala garan la,ahay,cadaalad daro,qaa,inuwadanimo iyo dayacaad aqoon la,aaneed,Aan is weydiino madaxda Soomaaliya midnimada ma raadiyeen mise waaba sii kala fogeeyeen?Jawaabtaydu waa sii kala fogeeyeen,haddana waxaa cad in ay ku talagal tahay arintaasi,anniga oo ku sababeeynaa ama caddayn u soo qaadan kara su,aal la weydiiyey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maareeye oo ahayd maxaa xukuumadu ka qabatay midnimada iyo isku soo celinta waqooyi iyo koofur?wuxuu ka yiri(xukuumada iyo madaxda koofurtu arinkaas uma soo jeedaan wax qorsho ah oo ilaa hadda ay ugu talagaleena ma jirto).

Midnimada qaranka Soomaaliyeed waa muqadis tastuuri ah,waa qodobka koowaad oo madaxweynaha iyo xukuumadu u xilsaaran yihiin laguna dhaariyey.1991kii ilaa hadda gobolo iyo shacabkood calanka buluuga ah ee xidigta shangeeskaa leh dadka gacmaha ku wata oo arintaas darted kuwo qarandiid iyo midnimadiid ah layn iyo dhac ku hayaan oo weli u taagan midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo Soomaaliweyn wax ka yar nama deeqdo,sow ma mudnayn taageero iyo aqoonsi in ay ka helaan dawlada Soomaaliy?.Maxaa madaxweynaha iyo xukuumadu maalin qura in ay ka hadlaan arintaan u diiday?Sow dayacaadaas maaha mid cadawga Dalka Soomaaliya iyo qaran iyo midnimodiidka loogu faaideeyey ,musuuliyadaaas sow xambaaran maayaan madaxweynaha iyo xukuumadu.Haddaynu arkayno in wixii noogu weynaa ee aan wada ilaashanayna faraha ka sii baxayaan madaxweynaha iyo xukuumaduna ceel ku sii ridayaan maxaa haray oo aan dhawranaynaa?

Ugu danbayntii aan iraahdo waa xil aan wada gabnay ee caana daataba dabadood la qabaye shacbigu ha ka banaanbaxeen in la aqoonsado dawlad goboleedka KHaatumo,dadweynaha,haweenka,dhalinyarada ,aqoonyahanada iyo xisbiyada haday mustaqbal siyaasadeed Dalka iyo dadka ka rabaan sucad arintaan maanta ha loo istaago hana loo hiiliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed oo sida ula kaca ah loo dhaawacay loona wiiqaayo.
W/Q Cabdullaahi Jimcaale Faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.