XOG: Xagee lageeyey Raashinkii Gargaarka ahaa ee loogu talagalay Gobolka Gedo iyo Cida falkaasi Ku kacday. “Akhriso”

Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo lageeyey raashin ilaa 10kun oo tan ah oo loogu talagalay in loo qeybiyo dadka Ku tabaaleysan deegaano ka tirsan jubbaland.

Raashin oo marka LA qeybiyo uu Gobolka Gedo oo ah gobol ka weyn labada jubba uu kusoo aadaayo 3330 tan ayaan LA ogeyn sababta kismaayo loo aadiyay xilli gobolka ay kajiraan baahiyo dhinaca bini’adamnimada ah.

Raashinka oo dhawaan laga dajiyay Madaarka kismaayo ayaa warar ay heleyso gedo times ay sheegayaan in loo iibgeeyey suuqyada kismaayo, iyadoo dad dhunsaday raashinkaas ay Ku keydsadeen bakhaaro kuyaala magaalada kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Raisal Wasaaraha, Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha ee dowladda Federaalka cabdirashiid xidig iyo darwiish oo ah wasiirka arimaha gudaha ee jubbaland ayey wararka ay heleyso Gedo Times Sheegayaan in ay yihiin shakhsiyaadka diiday in raashinkaas Gobolka Gedo lageeyo iyagoo kismaayo u daabulay.

Majirto wax war ah oo LA xiriira dhunsashada raashinka oo kasoo baxday Maamulka Gobolka Gedo, Masuuliyiinta Gobolka Kasoo jeeda ee Maamulka Jubba ka tirsan iyo masuuliyiinta Dowlada Federaalka.

HOOS KA DAAWO RAASHINKA OO KISMAAYO LAGA DAJIYAY QAYBTII UGU HOREYSEY.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.