Dadweynaha Baardheere oo Salaadii Ciida ku tukatey Shiirkolaha(Daawo Sawwiro)

Kumanan ruux oo isugu jira Rag iyo dumar ayaa maanta markii ugu horeysay waxay salaada ciida ay ku tukadeen Xaruntii hore ee Rugta Saraakiisha Baardheere ee Shiirkole,iyadoo sidoo kalena tukashada Salaada Ciida ay kala qeyb galeen Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere.

Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Baardheere ayaa lagu arkayaa boqolaal Ruux oo u badan Caruur kuwaasi oo sita aqab kala duwan oo ay uga qeyb qaadanayaan Munaasabada maalinta 1-aad ee Ciida,waxaana dadka ka muuqanaya Farxada Ciida. Si kastaba Degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa ka socda u dabaaldaga maalinta 1-aad ee Ciida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.