Faahfaahin: Waa sidee xaaladda deegaankii lagu dagaalamay Hiiraan iyo labada beelood

dagaal

Waxaa deggan xaaladda deegaankii duleedka magalada Baladweyne oo ay ku dagaallameen labo maleeshiyo beeleed.

Colaaddani ayaa ka taagan deegaanka Yarmoog oo qiyaastii 25 KM dhinaca galbeed ka xigta magaalada Baladweyne, kaasoo ay isku hayaan labada maleeshiyo beeleed.

Warar laga helay dadka deegaanka ayaa ku warramaya in xalay mar kale ay dagaallameen maleeshiyooyinkaasi oo shalay markii dagaalka uu joogsaday billaabay inay isku hub gurtaan.

Xaaladda ayaa saaka yara deggan, waxaana soconaya gulufyo dagaal oo labada dhinac ay kala wadaan.

Dadkii ku nool halka lagu dagaallamayo ayaa colaaddani qabaliga ku saleysan darteed isaga barakacay deegaankooda.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Baladweyne ayaa sheegay in shan qof oo dhaawac ah isbitaalka la soo gaarsiiyay.

Mar walba waxaa laga baqdin qabaa dagaal dhexmara maleeshiya beeleedka maadaama ay isku horfadhiyaan halkii ay ku dagaallameen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.