Warsaxaafadeed+ Sawirro: Puntland oo ka ahdashay Bahdilaadii Wafdigeeda Loogu geystay Muqdisho.

Iyadoo Magaalada Muqdisho uu ka socdo maalintii labaad shirkii Hiigsiga ee 2016ka oo ay ku madlanyihiin madaxda Dalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, ayaa waxaa cabasho ka muujiyey Qaabka loola dhaqmay Wufuuda Puntland qaar kamid ah Shacabka ree Puntland.

Qaar kamid ah dadweynaha oo la ahdlay Gedo Times ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in masuuliyiintii Puntland mataleysay Qaarkood si xun oo aan baratakool laheyn loola dhaqmay, iyagoo sheegay in la arkayay xitaa wasiiro aan u fadhin si nidaamsan ama fadhiyaba aan loo ogalaan.

Wasiirka Qorsheyta ee Puntland Shire Xaaji faarax iyo Wasiiro kale ayaa la arkayay iyagoo Hal kursi isku cariirinaya badalkii ay aheyd in Hab maamuus loo soo dhaweeyo, lagana soo dhalaalo xuquuqdii martinimo ee ay saraakiishaasi Mudnaayeen.

Falanqeeyayaal ayaa dhacdadani u sababeeyey in ay tahay gacan bidixeyn lagu wado maamulkaas, oo ay isku waafaqsanyihiin saraakiisha Baratakoolka ee Dowladda iyo Madaxda Qaran, inkastoo doodahaasi qudhooda, ay ka dhalan karaan Doodo kale oo horleh.

Xoghaynada Wasiirada Sida fooosha xun loola dhaqmay ayaa qaarkood warbaahinta u sheegay in Wasiirada ay arinkaasi dacwo ka furi doonaan, iyagoo ilaa heer maxkamad la tiigsan doona cidkastaa oo wax ka ogeyd in sidaas foosha xun loola dhaqmo.

Arinta layaabka leh ayaase ah in Madaxweynaha Puntland oo xubnahani ay qeyb ka ahaayeen Wafdigiisa uu ku qancay in sidan loola dhaqmo Ergada safarka ku wehlineysay, isagoo habayaraatee aanan wax falcelin ah sameyn.

Madaxda Caalamka hadii waxyar oo baratakool xumo ah loo geysto xubin kamid ah wafdigooda xitaa hadii si khalad ah ay arinkaasi u dhacdo, waa kuwo durbadiiba ka falceliya oo ugu yaraan duulimaadkooda dib ugu laabta, lamase oga waxa ay Puntland sameyn doonto marka ay deegaanadooda dib ugu laabtaan.

WAFTIWAFTIWARSAXAAFEDD

2 Comments

  1. ARINTAAN KA DHACDAY XAMER LAMA AQBALI KARO WAANA DAMBINKII DAMJADIID SHALAY GAAS BAY KU QASBEEN INUU AQBALO 4.5 MAANTANA WAA TAN MAXAA KU XIGI DOONO

Leave a Reply to Maxamed Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.