XOG: Qaar kamid ah Masuuliyiinta Maamulka Degmada Baardheere oo lagu eedeeyey Dilkii Cabdulaahi Eelaay. “yaa Kamid ah”???

Degmada baardheer ee Gobolka Gedo waxaa 24kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay laba fal dil togasho ah, oo loo geystay laba nin oo isku hayb ah, iyadoo aan gacanta lagu soo dhigin kooxihii falkaasi ka dambeeyey.

Dilka Cabdulaahi Eelaay ayaa durba ehaladiisa waxa ay k ueedeeyeen in ay wax ka maleegeen Gudoomiyaha Degmada Baardheere Cabdulaahi Nuur Xasan Cadow, iyo Aadan Arile oo horay uga mid ahaa saraakiishii ahlusunna balse aanan wax xil ah ka hayn Degmada Baardheere.

” Walalow Anaga shaki weyn ayaan qabnaa Marxuum Cabdulaahi tiisa ayaa soo gashay waxaanse ognahay hanjabaado uga imaanayay Xubno ka tirsan Maamulka Sida Gudoomiye Cadow Nuur Xasan iyo Aadan Arile, mana garaneyno sababta, kaliya waxaan ognahay cabdulaahi inuu Maamulka Degmada ka hayay Xilka ah madaxa gaadiidka iyo Canshuuraadka ee Degmada, arimo dhaqaale la xariirane ay isku qabteen labadani Masuul” Ayuu yiri Mid kamid ah ehalada marxuumka oo la hadlay Gedo Times codsadayne inaan Magiciisa la shaacin.

Wuxuu intaasi raaciyay in inta uusan dilka dhicin ka hor uu kasoo tagay Guriga Gudoomiye Cadow,oo ay isku afgaran waayeen hanaanka Maamulka Maaliyadda ee Degmada kadibne daqiqiado gudahood la dilay, arintaasi o odab kusii shideysa shakiga ku xeeran in dilka Masuulkani uu wax ka ogyahay Caodw Nuru oo ah Gudoomiyaha Degmada Baardheere.

Hase ahaatee wali lama hayo sababta loo dilay marxuumka maanta la dilay ee Cabdisamad Dilaal, oo isagu xilli dharaar cad ah ay rasaas huwiyeen ciidamo ka tirsan kuwo maamulka Degamda Baardheere balse ka amar qaata Gudoomiye ku xigeenka Degmadaasi ismaaciil Sheekh Cabdi Qorrax “Kuufi”.

Dhinaca kale xiriiro aan la sameynay saraakiishani la eedeeyey ayey ka gaabsadeen in ay ka hadlaan sababta ay Falkaasi ugu kaceen, sidoo kale waa ay diideen in ay ka jawaabaan eedaha Tooska ah ee loosoo jeediyey.

Si kastaba Amni Baardheere aya hadda ah mid aan la isku haleyn karin, iyadoo ay degmadaasi kusoo badanayaan Falalka dilka ah ee qorsheysan ee lagula kaco Masuulyiinta Maamulka Degmada iyo shacabka ku dhaqan Degmadaasi.

1 Comment

Leave a Reply to Samiir Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.