Faallo: Ugaasnimada Beesha Sade waa Mid soo jireen ah ee Fowdada iyo Qaska halaga Daayo, W/Q Maxamed Xuseen Dhageey.

Beesha Sade waxay leedahay taariikh lamid ah taariikhaha Beelaha Soomaaliyeed hadeysanba kamid aheyn beelaha ugu horeeya uguna taariikh sareeya soomaalida Waxayna leedahay Besha hogaan dhaqan oo soo jireen ah.

Beesha Waxaa 22 fac soo Hogaaminayay Ugaasyo taxanayaal ah, oo midba mid uu ka dhaxlayay Saldanada beesha laga soo bilaabo Maxamed Da’uud ilaa Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi.

Hadaba iyadoo ay taariikhdaasi jirto ayaa sanadihii dambe jifooyin sade ah waxay bilaabeen in ay fowdo iyo fadqalalo ku bilaabaan Hogaankii soo jireenka ahaa ee beesha Sade oo xitaa waxaa lagaaray in beelo aan darajada ugaaska yeelan kuna koobnaan jiray Samadoono ama Naabdono ama Cuqaal Jifo in loo xiro martabka xaga Darajada Dhaqanka ugu sareeya ee Sade oo ah Ugaasnimada.

Xilligan  Lajogoo Ugaaska guud ee beesha sade daarood. Waa ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi Ugaas Maxamed Ugaas Cabdule Ugaas Jaamac Ugaas Guuleed Ugaas Sharmaarke Ugaas Diini, Ugaaska waa Ugaas Mutacalim ah, aabihii Ugaas Xaashine ugaaska Sade ayuu horay u soo noqday, inkastoo asaga iyo aabihii uu u dhaxeeyey xaga dhaxalka Saldanada Aderkii Ugas Cumar Ugaas Xirsi, oo Muddo nus qarni ah ahaa Ugaas Beesha Sade.

Marka laga soo tago Ugaaska Guud ee Beesha Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi Inagu fawda ma nihin mana rabno in Saldanada ree Ugaas Xirsi ee soo socotay 22 faca lagu ciyaaro ama Fowdo laga dhigee wixii kasoo haro ee Deeganada Beeshu dagtane Jooga sheeganayane Ugaasnimo waa waxba kama jiraan, marka laga reebo labada ugaas oo iyagune kala jooga laba deegaan oo uusan ugaasku gaarin waa labada ugaas ee Ethiopia iyo Ugaaska Gal-Gaduud oo kala, ah Ugaas Cabdi Ugaas Daahir iyo Ugaas Ciise Ugaas Cabdile.

Ugu dambeyntiine  saldanada ilaa Sade Daarood socota ee Ugaasnimo waxa kaliya ee ku melmari akro Shirar, iyo xaajooyine ku gali akro iyagoo mansabka Ugaasnimada sita waa un Ree Ugaas Xirsi waxii ka, soo haro waa Nabadoono jilibyada beesha sade ah.

F.G: Qormadan waxaa Masuul ka ah Dhaliil iyo Amaanbo Qoraha Ku saxiixan, mana ahan mid ka tarjumeysa Rabitaanka iyo siyaasadda Gedo Times.

W/Q: Maxamed Xuseen Dhageey

Jubba, South Sudan

Mohamed hu671@gmail.com

3 Comments

  1. Waa qormo kamadaxbanaan waxyaalaha facaan danbe bulshooyinka soonaalida dumiyay. Fawdada soomaliya ragaadisay ayay arintaasi qayb ka aheyd. Waxayna ahayd tusaale khilaaf iyo kalatag.magacyadu hogaanbay yihiin.mana kala dhacaan sida Ugaaska waa hogaanka guud,Nabadoon jifo isba ma yaree hala imaansado,khilaafkahalla iska daayo.

  2. Inta aadan oran jifooyin beesha Sade ah waxaa ka qurxanayd inaad cadayso in walaalihiis ku haystaan oo Maxed Ugaas Cumar isku caana shubay.
    Marka intaan dadka kale taladooda la gaarin bal ilma ugaas Xirsi jid halaga helo

  3. Maxamed Xuseen, walaal salaan ka bacdi, Ugaasnimada waxaa lagu yaqaan micne iyo maamuus lagu yaqaan, qofka hayo ama loo doortana waa qof ka bixi karaa ee taasna meel dhigo, Sade mid cid gooni ah leedahay ma ahan sidaan is leeyahay, haddii aad Sade aan Sade mareexaan aan ahayn midkaad ka hadlaysana xaal qaado, Haddii aan tayda oo dad badan igu raacsan yihiin aan ka hadlana ninka aad magacawday adiga shaqo u dirso aniga iyo Sade kale oo badan nagama gadna, waadna mahadsan tahay

Leave a Reply to Bashir Sh. Ahmed Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.