Shaqaalaha Dowladda oo la amray inay dib ugu soo laabtaan Shaqadooda

saadaq

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka duuleysa dib u eegidda lagu sameeyay xannibaadaha jira ee lagula tacaalayay faafidda cudurka COVID-19, isla markaana tixraacaysa go’aankii golaha wasiirrada ee Khamiis 2 Luulyo ee ku saabsanaa sidii si taxadar leh dib loogu soo laaban lahaa goobaha shaqada, ayaa waxaa la farayaa shaqaalaha dowladda iney dib uga soo howl galaan goobahooda shaqada laga billaabo 08 Luulyo 2020.

Si looga taxadarro faafida Caabuqa COVID-19 loona ilaaliyo dab-qabka iyo Caafimaadka goobaha Shaqada, waxaa la farayaa Madaxda Hay’adaha Dowladda Arrimahan soo socda;

1- U hoggaansanka farriimaha iyo tallooyinka ay bixinayaan saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka.

2- Dhowridda kala fogaanshaha ilaa 2 mitir, goobaha shaqadana leeyihiin meelo dhowr ah oo laga galo iyo kuwa laga baxo oo kala duwan, iyo qolalka waqtiga nasashada qaabkooda oo la waafajinayo hannaanka ka hortagga fayruska.

3- Nadaafadda oo xoogga la saaro, iyadoo si gaar ah loo nadiifinayo musqulaha iyo waxyaabaha inta badan la taabto sida albaabada iyo khaannadaha.

4- In Shaqaalaha lagu dhiirrigeliyo u soo lugeynta shaqada intii macquul ah, isla markaana iney ka taxadaraan gaadiid raacidda waqtiyada saxmadda darran jirto.

  1. Shaqaalaha da’da ah (ka wayn 60 sanno) iyo kuwa xaaladda caafimaad darran qaba iney xilligan guryahooda ku gutaan waajibaadkooda shaqo.
  2. Waa in loo dejiyaa shaqaalaha jadwal ku dhisan xilligaan Covid-19 oo qayb qayb maalmo dhaaf u shaqo gelayaan ama loo kala qeybiyaa kuwa shaqeeya Sabti ilaa Isniin, Talaado ilaa Khamiis.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.