Guddoomiye mursal oo Xafiiska ku qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

mursal

Gudoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya  Mudane  Maxamed Mursal sheikh Cabdirahmaan ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya Danjire Hassan Bin Hamza Asad.

Safiirka ayaa ugu horreyn Gudoomiyaha soo gaarsiiyay warqad tahniyad ah oo ku saabsaneyd hambalyadda maalmaha xurriyada Soomaaliya ee uu soo diray Gudoomiyaha barlamaanka Dalka Qatar.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen labada dhinac mashaariicyada dawladda Qatar ay ku taageerayso Dowladda Soomaaliya dhinacyadda dhismooyinka iyo hormarinta sidii loo xoojin lahaa.

Arimaha kale ay ka wada hadleen labada mas’uul ayaa ah howlaha doorashooyinka Soomaaliya iyo halka ay marayaan maadaama kulamadii u dambeeyay barlamaanka ay yeesheen diiradda lagu saarayay hirgelinta doorashooyin ka dhaca soomaaliya 2020-2021.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.