Sawiro:Gudoomiye Cumar Filish oo Daah Furay Ololaha La Dagaallanka COVID-19

Cumar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta daah-furay ololaha la Dagaalalnka cudurka COVID-19 ee Gobolka Banaadir,

Xafladaan lagu daah-furayay ololaha la dagaallanka COVID-19 ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka IGAD ee u fadhiya Somaaaliya Danjire Jamaal Axmed Ibraahim, Guddoomiyaha Degmada C/casiis Mudane Mahdi, Gudomiyaha Dhallinyarda Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan, Gudoomiyaha Dhallinyarada ee Maamul Gobleedka Jubbaland Mudane Cabdi wahaab, Culumaa’udiin, Dhakhaatiir, Ururka Dhallinyarada Degmoyinka Gobolka Banaadir iyo Haweenka Gobolka Banaadir,

Ololahaan ayaa ah la dagaalanka iyo Ciribtirka cudurka COVID-19 ee sida weyn usaameeyay dhamaan wadamada Dunida, gaar ahaan dalkeena Soomaaliya, waxaana Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay ololahaan, ayaa shaaciyay in si weyn ay u fulin doonnaan dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka ololaha lagula dagaalamayo COVID-19.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.