Daawo:Gudoomiye Cumar Filish oo soo dhaweeyey Matalaada Gobolka Banaadir

cumar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Finish) ayaa Khubaduu ka jeediyay taaladda Daljirka Daah-soon ee Degmada Boondheere ee uu ka socday Banaanbax lagu taageerayo ansixinta matelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.

Guddoomiye Cumar Finish oo la hadlaayay boqolaal dad  shacab ah oo isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Daah-soon ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay matalaadda Gobolka Banaadir ku siiyeen 13 xubnood ee Aqalka Sare ee dalka.

Waxaa uu sheegay in Gobolka Banaadir uu yahay caasimadda dalka Soomaaliya ayna muhiim ay tahay in Aqalka Sare Kuraas ku yeesho kuwaasi oo ku hadkayo codka bulshada Gobolka , isagoo xusay in tallaab geesinimo leh ay qaadeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Magaalada Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa magaalada dadka Soomaaliyeed oo dhan, waana hooyada calanka Soomaaliyeed waa meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed aysan ku dareemin in laga leeyahay oo ay ku dareemaan inay iyagu leeyihiin taas ayaa mudan in lagu qiimeeyo muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Finish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.