Ururka Jaamacadda Carabta oo soo dhaweeyay heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay wadda gaareen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta kaas oo ku saabsana soo celinta xiriirka labadda dal.

Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ee Jaamacadda Carabta aya lagu yiri “ Xoghaynta Ururka ayaa amaaney doorka hogaamineed ee ay ka ciyaareen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta sidii loo gaari lahaa heshiiskan iyo talaabooyinka labada dhinac ay ka fulinayaan labada dal ee deriska ah.”

Dhanka kale, dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah Soomaaliya sida AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, OIC, Sweden, Turkey, Uganda, UNSOM iyo Maraykanka ayaa dhankooda soo dhoweeyay heshiiskii ay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Beesha Caalamka ayaa rajo weyn ka muujisay in la hirgelin doono qodobada ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne kuwaasoo sii xoojinaya xiriirka labada dal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.