Sawiro:Baladxaawo Diiwaan galinta ciidamada xoogga dalka oo ka socota degmadaas

Diiwaan galin ciidamada xoogga dalka ayaa ka socota degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, waxaana magaalada laga sameeyay dhowr xarun oo ciidamada lagu diiwaan galinayo.

Ciidamadaan ayaa maraya hanaanka tirakoobka casriga ah ee ay mareen dhamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay u helaan xuquuqdooda bilkasta, sidoo kale dowladu u hesho xogtooda.

Saraakiisha diiwaan galinta ciidamada ku howlan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maanta la diiwaan galiyay tiro ka moda ciidamada xoogga dalka ee magaaladaasi ku sugan, waxa ayna intaasi ku dareen in maalmaha soo socda ay howshaan halkaasi kasii wadi doonaan.

Dowlada Soomaaliyeed ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay oo lagu soo gaban gabeynayo tirakoobka dhamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaluyeed, iyadoona sidoo kale dowladu ku guuleysatay in miisaaniyada dalka ee sanadkaan ay ku dartay qoondo lagu kordhinayo mushaar ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.