Gaalkacyo:Galmudug oo Isbaaro u dhigatay 21 Gaari oo Baladwayne cawimaad uwada

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qaybta Galmudug Waxaa maalintii Sadexaad ku Xaniban Gadiidkii Gar gaarka u waday Magaalada Baladwayne kuwaas oo tiradooda dhan tahay 21 gaari.

Maamulka Galmudug ee Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxay Canshuur kusoo rogeen baaburtii gargaarka u waday Magalada Balawayne, Darawalada Gadiidka ayaa Diidan inay bixiyaan Canshuur ayagoo sabab uga dhigay inuusan xamuulkaan ahayn mid ganacsi.

Maamulka Galmduug ee koonfurta Gaalkacyo oo warbaahinta Gedotimes la xariirtay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan Gadiidkaan ku xanibay koonfurta Gaalkacyo kuwaas oo kasoo kicitimay Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.