Dhalinyarada Gurmad Baladwayne oo soo bandhigay Xisaab xir iyo talo soo jeedin.

Xisaab xirkii Gurmad Baladwayne.

WARBIXINTA WEJIGA 1AAD EE GURMAD BELEDWEYN 28-OCTOBAR-2019 ILAA 15-NOVEMBER-2019

Muqdisho Soomaaliya.

HORDHAC

Bismillah,

Bar bilowga Dhallinyarada Gurmad Baladweyn, 28/10/2019 Maalin Isniina, waxaa abaabul iyo gurmad bilaabay dhallinyarada Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadda, si gargaar degdeg ah iyo gacan badbaadin ah loola gaaro Dadka Soomaaliyeed ee ay saamaynta balaaran ku yeesheen fataahada gaar ahaan Shacabka reer Baladweyne.

UJEEDADA

Ujeedada ugu wayn ee Gurmad Beledweyne loo aasaasay waxay ahayd;
1. In gurmad degdeg ah lala gaaro Shacabka reer Baladweyne ee leh waayeelka, caruurta, haweenka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo daris la noqday biyaha.
2. In indhaha bulshada Soomaaliyeed iyo midda caalamkaba lagu soojeediyo mugga dhibaatada fatahaada Wabiga Shabeelle ee Baladweyne, islamarkaana la kiciyo oo la mideeyo dareen wadareedka waxqabad ee Ummadda Soomaaliyeed.

Si ujeedooyinkaas loogaaro, iyadoo duruufaha ay adkaayeen, xogta iyo xiriirkana ay aad gabaabsi u ahayd, Dhallinyarada Gurmad Baladweyne waxay qaadeen labo ( 2) tallaabo oo saldhig u ahaa shaqada:· Helitaanka xarun gurmad degdeg ah fidisa islamarkaana soo gudbisa xogta iyo mugga dhibaatada sida dadka lagu la’yahay biyaha dhexdooda, tirada dhimashada, qasaaraha nafeed iyo mid hantiyeedba.

Dhallinyarada Gurmad Baladweyne waxay abaabuleen 2 xarun oo kala ahaa;
a. Xarunta 1aad ee Gurmadka Degdega ah oo laga furay halka dadka ugu badan ay u barakaceen si loo helo xogta saxda ee dhibanayaasha, loona gaarsiiyo gurmad iyo gargaar intaba, waxaana xarunta abaabulay Dhallinyarada Gurmad Baladweyne ee Dhallinyarada Gobolka Hiiraan kuwaas oo 24 saac si aan kala joogsi lahayn u fidinayay gurmad lagu badbaadinayo dadka ku go’doomay xaafadaha loogana soo saari lahaa biyaha.
b. Xarunta 2aad waxaa laga furay Magaalada Muqdisho si ay taageero xiriir, xog iyo xoog ba ugu noqoto Dhallinyarada Gurmad Baladweyne ee xarunta 1aad.

Xarunta Xamar waxaa isugu tagay dhammaan dhallinyaro iska xilqaantay oo iska abaabushay magaalada Muqdisho kuwaas oo u xilsaarnaa labo shaqo; Iskuxirka guud ee Dhallinyarada Baladweyne iyo bulshawaynta Soomaaliyeed ee gurmadka ka qayb qaadanaysa, soobandhigista xaaladaha ugu danbeeyay ee dhibaatada fatahaada iyo baahida sida ay u kala darantahay si gurmadka loojiheeyo loona mideeyo. Sidoo kale Xarunta Xamar, dhallinyaradu waxay abaabul, midayn iyo xiriir joogta ah lasameenayeen dhammaan dhallinyarada/Isxilqaamayaasha Soomaaliyeed ee Gobolada kale ee Dalka si ay iyagana isku abaabulaan oo gurmad degdeg ahna loo gaarsiiyo Baladweyne.

HAWSHA LAGU GUULAYSTAY

Waxaa alle mahadii suurtagashay in dhallinyarada Gurmad Baladweyn ay ku guulaystaan;.
• In Baladweyne laga hirgaliyo xarun gurmad degdeg ah oo si ku meelgaar ah uga jawaabta una daboosha baahiyaha degdega ahaa ee markaas taagnaa sida abaabulka mutadawiciinta dhallinyarada, dhakhaatiirta, gargaarka degdega ah, badbaadinta dadka ku go’doomay biyaha dhexdooda ah, sootabinta xogta iyo xaaladaha dhabta ah ee meelaha loo barakacay, quybinta waxyaabaha daruuriga ahaa sida cuntada, gogosha iyo huwa sida bustayaaasha, teendhooyinka iyo wixii lamid ah.
• Xarunta Gurmad Beledweyn ee Xamar waxaa u hirgashay in ay abaabulaan bulshada iyagoo isku kala qaybiyay guddiyo ka kooban sida tan: Guddoomiye, Waaxda Maaliyadda, Waaxda Xiriirka Bulshada iyo Waaxda Kormeerka. Waxaa cod deer loogu yeeray, la abaabulay lana mideeyey xoogga iyo caqliga ummadda Soomaaliyeed iyo cidkasta oo gurmad ka gaysan kartay dhibaatada fatahaada wabiga ee Baladwayne. Sidookale Gurmad Baladweyne wuxuu qaaday olole warbaahin iyo baraha bulshada ah kaas oo lagu abaabulay laguna dhiirigalinayay in dadka Soomaaliyeed in ay gurmad iyo garab istaag u muujiyaan walaalahooda reer Baladweyne, waxaana sidookale lagu guulaystay in inta badan Masaajidda dalka in la gaarsiiyo fariimaha gurmadka si ay u baahiyaan cod dheerna ugu baaqaan ummadda.
• Fududaynta xiriirka, gurmad gaarsiinta iyo soogudbinta xogta meelaha dadka ay u barakaceen. Jihaynta iyo katalabixinta baahiyaha hortabinta u leh dadka iyo sida ugu fudud ee lagu gaarsiin karo.

• 31/10/2019, waxaa magaalada Muqdisho ka tagay qaar kamid ah dhallinyarada mutawiciinta ah ee xarunta Gurmad Baladweyne si ay garab iyo gurmad ugu noqdaan Xarunta Gurmadka degdeg ah ee Baladweyne.
• Xarunta Gurmadka degdega ah ee ay sameeyeen dhallinyarada Gurmad Baladweyn waxay sabab u noqotay in Dhallinyarada Gurmad Beledweyn ahaadaan kuwa kaliya ee laga helayey xogaha rasmiga ah ee ku haboon meelaha gargaarka la rabo in la gaarsiiyo, iyaga oo indho u noqday kooxaha kale ee ka kala imanayey meel walba.

DHAQAALAHA SOO GAARAY GB

Si loo ilaaliyo hannaanka Gurmadka iyo u gargaaridda dadka loona fududeeyo in sida ugu habboon uguna dhakhsiyaha badan lagu gaaro dadka, dhallinyarada Xarunta Gurmad Beledweyne waxaa 29/10/2019 u suuragashay in wax walba oo sharciyad ah sida; shati, xeer sharciyeysan, xisaabaad bangiyo (Salaam Bank, Dahabshiil, Simcards) la sameeyo oo fududayn kara in qof kasta oo Soomaaliyeed uu helo nidaam uu dadka ugu soo gurman karo, xoog, xiriir iyo xoolo intii karaankiisa ah.

Halkan waxaan idinkula wadaagi doonnaa intii gurmadka aan wadnay dhaqaalihii ssoo galay Gurmad Beledweyn iyo alaabihii kala duwanaa.
Lacagaha soogaaray Gurmad Baladwayn,
• Lacagta guud ee GB soo gashay = 17173.5$
• Lacagta Guud ee GB ka baxday =17166$
• Lacagta Akoonadda GB ku jirta = 7.5$
Alaabaha soo gaaray Gurmad Baladwayn waa;
• 10 Bundad oo u badnaa Dhar iyo Maacuun, dhammaantoodna waa la qaybiyey.
Haraaga xisaabaadka Gurmad Baladwayn; 7.5$

FG: 7$ Waxay haraa ahaan ugu jirtaa Simcard sababta ay baaqi ugu noqotay ayaa ah sidan; Laguma wareejin karo account-ka gurmad maadaama aysan 10$ gaarayn account kuna u diwaan gashan yahay sidaas. Haddaba sidaas daraadeed waxay ku jirtaa Simcard-ka gurmad ee 0614166041. 0.5$ ayaa haraa ku ah account-ka Salaam Bank.

Inta lacag ee cadaan ahaan ( EVC ahaan) dadka loo qaybiyey = 7400$
• 148 Qoys oo isugu jiray; Waayeel, Naafo, kuwa aan dab shidan iyo intii u nuglayd ee ay xogta rasmiga ah ka soo gudbiyeen dhallinyarada Gurmad Beledweyn.
• Dadkan dhammaan waa la hayaa Nombaradooda iyo magacyadooda, intooda badan lacagta waxaa loo dhex mariyey EVC.
• 9773$ Waxay ahaayeen intii gurmadka aan ku fidinay oo isugu jiray Gurmad dhinac walba ahaa maalintii 1aad illaa 14-November-2019 . Gurmadkan wuxuu isugu jiray; Raashin, Saliid, Bur, Bariis, Sonkor Caano, Marakaneeco, Biyo Saafiya, Biyo Dhaamin, Daaweyn iyo daabulud. Qoysas kaasoo ku sugnaa meelo kala dugan oo xitaa 100 ka midda ka baxeen magaalada oo u jirtay 9km.
• Koontooyinka Xisaabaadka la isticlaamay waa Salaam Bank = EVC iyo Dahabshiil

TALO SOOJEEDIN:

Dhallinyarada Gurmad Baladwayn iyagoo ka duulaya casharada ay ka barteen intii lagu gudajiray xaaladda gurmadka degdega ah, fatahaadaha soo laalaabtay iyo dhibta aan xalka waara loohaynin ee dadku dariska la yihiin, waxay soojeedinayaan talooyinka hoos ku xusan;

• In si dhab ah oo mas’uuliyadi ku jirto loogu istaago in dib danbe aysan u soo noqon dhibaatada fatahaadaha wabiyada, islamarkaana ka hortag iyo qorshe qaran oo xal waara leh lala yimaado.
• In Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga musiibooyinka ay laba laabto wax qabadkeeda, sidoo kalena 3dii bilba ay soo saarto warbixinno xaaladda dalka ee ku aadan cimilada, fatahaadaha,, abaaraha, aafooyinka dabiiciga ah, kuwa aan dabiiciga ahayn iyo wixii lamid ah.
• In guud ahaan la sameeyo sanduuq guud oo looga hortago fatahaadaha, biyo xireenada lagu dayactiro, kuwo cusubna la sameeyo lana kaashto oo lagatalagiyo dadka deegaanka sida Dhallinyarada Aqoonyahanka, injineerada, ganacstada iyo maamulka Gobolka
• In dowladaha saaxibada la ah Soomaaliya ay dowladdu ula tagto mashaariic mudaysan, xirfadaysan islamarkaana leh hannaan cad oo islaxisaabtan iyo mas’uuliyad qaadasho laga dheehan karo.
• In hawlaha hortabinta u leh qaranka laga dhigo helitaanka biyo xireenno lahubo, sidoo kalena bakhaaro lagu kaydiyo cunooyinka xilliyada abaaraha la siticmaalo.
• In la dardargeliyo dib u habaynta iyo dibu-dajinta deegaamaynta guriyaynta casriga ah si looga fogaado in degitaanka iyo ku-noolaanshaha dhulka webiga u dhaw dhaw.
• In goobaha bulshada loogu adeego oo cusub laga hirgeliyo meel kabaxsan magaalada, sida isbitaalada, iskoolaadka iwm.
• In la awoodsiiyo wasaaradaha heer federaal ee ka hortagga musiibooyinka si ay xafiisyo si hufan u shaqaynkara ugu yeeshaan dhammaan deegaamada ay saameeyaan musiibooyinka dabiicga ah.
• In si joogta ah loo sameeyo wacyigelin, tababaro sida looga hortaggo musiibooyinka.
• In Wasaaradda Qorshaynta iyo Maalgashiga Qaranka ay ku dhawaaqdo oo ay daahfurto mashruuca biyo xireenada dalka islamarkaana ku casuunto dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed, qurbajoogta, deeq bixiyaasha, saaxiibada Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka gaysankarta mashruuca qaran ee dhismaha biyo xireenada dalka.

MAHADNAQ

Dhallinyarada Gurmad Baladwayn waxay mahadnaq ballaaran u jeedinayaan dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar dhallinyaradii ka qaybqaadatay Gurmadka sida isxilqaanka leh ee marwalba loogu taaganyahay ka jawaabista dhibaatooyinka dalka kasoo cusboonaada. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqaynaa dhallinyarada Baladwayn ee 24 saac u taagnaa sidii ay gurmad ugu fidinlahaayeen dadka. Sidookale waxaan u mahadnaqaynaa dhallinyarada dhakhaatiirta iyo Dhallinyarada Mutadawiciinta Soomaaliyeed.

Waxaan u mahadcelinaynaa Shirkadaha Salama Bank iyo Dahabshiil oo naga caawiyay dhanka koontooyinka Xisaabaadka.

“ Shacabka dhiig joojin way samayn karaan, xalka waara iyo qorshe qaran waa mid u wadayaal Dawlad iyo Dadka oo idil”

Mahadsanidiin Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.