Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Maaliyadda Netherland Oo Kulan Ku Yeeshay Washington

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyadda Netherlands, Wopke Hoekstra oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood ee qorshaha Soomaaliya deynta looga cafinayo.

Wasiir Wopke Hoekstra oo caddeeyay in dowladda Netherlands ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka caawiso gaarista barta go’aanka deyn cafinta, ayaa hoggaanka dowladda ku ammaanay siyaasadaha qaran ee ku saleysan danta shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo doceedyo xariir ah oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu Washington kula yeeshay wasiirro maaliyadeed iyo mas’uuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.