Akhriso:Doolow Dad shacabka oo Xirteen Cali Xasan deer iyo Jamaal Xasan saaray

Taliyaha Nabadsugida Jubbaland ee Baladxaawo Cali xasan Deer iyo Taliyaha Ciidamada Jamaal Xasan Saarey ayaa Degmada Doolow waxay guri ku xirteen laba Nin Shacaba kuwaas oo Magacooda lagu sheegay Cabdirisaaq Cabdulaahi bulxan shabeel iyo Lixle Tunyar.

Labadaan nin ee la xiray ayaanan wax dambe ah galin lakiin qaar kamida laamaha amniga Degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ayaa warbaahinta Gedotimes u sheegay in labada Nin oo kamida ahaa Shacabka Degmada Baladxaawo ay xirteen Cali Xasan Deer iyo Jamaal xasan Saarey Maamulka iyo laamaha Amniguna aysan qaadeen masuuliyada wixii ku dhaca labadaas Muwaadin.

Cali Xasan Deer iyo Jamaal Xasan Saarey ayaa kamida dadka loo haysto dilal iyo dambiyo ka dhana bulshada Degmooyinka Baladxaawo, Luuq, iyo Doolow waxaana dacwo ka taala Taliska Boliiska Soomaliyeed iyo Taliska nabadsugada Soomaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.