Daawo:Deni oo lacago Badan ku bixiyey Kulamo isaga lagu taageerayo

deni

Magaalooyinka Puntland qaar kamid ah maanta waxaa lagu qabtay kulan lagu taageerayo Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni kadib markii ay ku kaceen Bulshada Puntland.

Kulamadaan oo usoo abaabulay Hogaamiye Deni ayaa waxaa looga dan lee yahay sidi loo yarayn lahaa kacdoonka ka dhanka ah Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni kuwaas oo ka socda Magaalooyinka Puntland sida Gaalkacyo, Bosaaso, Garoowe, iyo kuwa kale.

Deni ayaa noqday Madaxwaynihii ugu horeeyey ee Puntland oo mudo ka yar Lix bilood ay mucaaradeen Bulshada waynta Puntland.

waxyaalaha Deni ay ku naceen Puntland ayaa waxaa kamida curyaaminta Magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso, iibsiga Garoonka iyo Xarunta korontada Boosaaso, Xariga Gudiga Dhismaha Wadooyinka boosaaso, wax ka qabasho la’aanta wadooyinka Burburay ee Puntland iyo Qilaafka u dhaxeeya Dowlada iyo Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.