Sawiro:Madaxwayne Farmaajo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jambuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu kamid yahay Madaxwaynaha Galmudug Xaaf ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi la socdo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Wasiirka amniga, Madaxa Xukuumadda Galmudug, \Shiiq shaakir, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu soo xiro doonaa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Dhuusamareeb isla markaana looga tashanayay sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.