Sawiro:Soo dhawayntii Ra’iisalwasaare Khayre ayaa kasocota Marka

Waxaa magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ka socoto qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan magaalada Marka.

Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Marka ayaa iminka soo buux dhaafiyay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, kuwaasi oo sita sawirada Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku waheliya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Nabadgelyada ayaa si aad ah u xoojiyay amniga magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana shacabka iyo maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ay qorsheeyeen in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay dadweynaha kula hadlaan Barxadda Minishiibiyada ee magaalada Marka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.