Baladxaawo:Warar Dheeraad ah oo Laga helayo Dad Xalay Lagu dilay Degmadaas

Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa xalay waxaa lagu dilay Sadex Qof shacabka kuwaas oo kamida Bulshada Degmada Baladxaawo ee Xarunta Ganacsiga Gobolka Gedo.

dadkaan lagu dilay Demada Baladxaawo ayaa kala Labo Raga iyo Mid Haweena Magacyadooda waxay kala Yihiin.

1:- Cabdi Cali 2:- Xuseen Sharif Cabdille 3;- Xabiibo Cabdiraxman Cali (Xaybo Ladan.

Cida ka dambaysa dilka dadkaan shacabka ah ayaan wali laxaqiijin lakiin Qaar kamida Bulshada Baladxaawo ayaa waxay sheegeen inay ka dambeeyaan Rag daacad u ah Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan kaas oo dhawaan lagu Xiray Xabsi ku yaala Magalada Muqdisho iyo Laamaha Amniga Degmada Baladxaawo oo ka amar qaato wasiir Janan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.