Federaalku Ma Sanduleyn Baa?!!!

dastuurka

FEDERAALKU MA SANDULEYN BAA?!!!

Aan ku bilaabeen (BALAAYO AFKA LAGAMA DAWRO), dhanka kale aan iraahdo Soomaaliheey inta laysku kiin mashquuliyey baa cadawgiinu hadaan idiin qodayaa,wax  dareenkaas qabaa waa yar yahay,Soomaalinimadii nus qarnigii la soo dhaafay cadawgayagu maalinba xubin baa la jaraayey,midida lagu goonaayo mar kasta waxaa loo soo dhiibaayey mid naga mid ah oo qandaraas soo qaatay, wuxuuna soo gashanaayey shaati qabyaaladeed waxj kale iyo hub kale  oo naloo adeegsan karaa ma Jiro waana la waayey ,ma haboon tahay in qof kasa is weydiiyo maxaa inaga khaldan?

Umaleyn mayo in lagu baraarugsan yahay,hadday jirtana waa in yar,laakiin aan idin xasuusiyo afar waxyaalood oo naga dhexeyn jirey oo aan wada ilaalin jirney oo Meesha ka baxay maalintii laydiin dhiibey waxa loogu yeeray FEDERAAL;-

1-Dalka Soomaaliya waa naga dhexeeyey waana wada ilaalin jirney.

2-Soomaalinimada waa naga dhexeysay waana la wada ilaalin jiray.

3-Diinta Islaamku waa naga dhexeysay waana la wada ilaalin jirey.

4-dhaqanka Soomaalida oo aan umadaha kale uga duwaneyn ,ahaana mid qurxoon oo aad u wanaagsan waa naga dhexeeyey waana wada ilaalin jirney.

Su,aal,Qof,Qabiil iyo gobol ka maarmaa afartaas ma jiraa?

-Gobol ama qabiil keligi difaaci kara oo ilaalin karaa ma kiraa?

-Sow idiin ma muuqato in afartaas rukun oo aan ku taagneyn,jiritaan kayaguna ku noolaa sii dabar go,aayaan.?

-Yaa lagu og yahay oo ilaalinta afartaas qodob maanta u taagan difaacooda ?

-Ma idiin muuqataa in waxa lagu sheegay FEDERAAL, lagu difaaci karo afarta qodob ee aan sare ku xusay?

-Afarta arimood oo aan soo qaaday ma ka maaranaa?Haddaynaan ka maarmin sow in aan wada ilaalino maaha?

-FEDERAALKA ma u aragtaan in loogu talagalay inuu yahay dilaaga aan soo M  kabashada lahayn ee afarta qodob? 

Meeshii la oran jirey Imbegaati ee aan anigu u aqaan DOOFAAREEY wixii nala gudoonsiiyey waxay ahaayeen FEDERAAL IYO TASTUURKI KU MEEL GAAR AH.Yaa nagu xalaaleyey,(MAR KALE AAN DHOHO (GEEL NINKII DHICIN LAHAA DHACAYO LA MA DHICIYO).1-Madaxda qaranku ha ka xishoooto DSF oo dhahdo federaalka ku meelgaarka ah.

2-Muumulada goboladu yey ka been sheegin shacbiga ay matalaan nina Federaal uma codeyn u mana idman.

Xaggee ka keeneen kuwa leh wax kasta ha la fadaraaleeyo? Koox yar inta meel fariisato masiirka 15,000,000 oo Soomaali ah ma go,aamin karaan?Shacbigu ma raali buu saas ku noqday?

Isku soo wada duub oo arimaha federaalka iyo 4,5(afar dhibic shan) waxay mareysaa baasaboorka Soomaalida ha lagu qoro federal,waxay kale oo mareysaa 4.5 ciidamada iyo hubka noogu qaybiya oo odaydhaqameedyo ciidankii la tababaray diiday in la qaado ee ku xirey halkooda noogu keena hub iyo tigniko,maamulada goboladuna ka daran,Soomaaliyeey xaggee loo socdaa?Aan ku soo ururiyo Soomaaliyeey godkaaga gacantaada ha ku qodan oo hays xabaalin,kana fiirsada waxa loogu yeeray FEDERAAL.!!!,bal ila eega madaxweyne,reysulwasaare,wasiir,gudoomiye gobol iyo odaydhaqameed waxay isku  haysaan hawlmaalmeedkii madaxweynaha,resulwasaaraha,wasiirka iyo taliyayaashii ciidamada,odaydhaqameedka xilkii reerka soo dhaafay oo taliye ciidan iyo madaxweyne saxiixoodii ku haysta xaggee inoo wadaa?cidii su,aalaha badan ee halka ku jira ka soo jawaabeysa,

Email(saanyar30@hotmail.com

Wabilaahi towfiiq,oday jimcaale,

London Tel tel, 07572336192.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.