Ethopian Airline oo Noqotay Diyaarada ugu Raqiisan ee loo raaco Soomaaliya

Soomaaliya ayaa waxaa kusoo badanaya Diyaaradaha Caalamiga ee taga Madaalooyinka waa wayn sida Muqdisho, Boosaaso, Hargaysa.

Soomaaliya waxaa hada taga Diyaaradaha Aduunka ugu Caansan ugana Adeega fiican sida Turkey Airline, Qadar Airways iyo Ethopiaan Airline kuwaas oo laga soo raaco Dalalka Yurub, Maraykanka. Ustareeliya iyo Kanada.

Diyaaradahaan ayaa ah kuwa Tikirkoodu uu aad qaali u yahay marka loo raacayo Soomaaliya waxaana hada ugu Raqiisan oo Soomaalida dibada ka imaanaysa aad u raacaan Ethopian Airline Taas oo qiimaheedu maraya 600- 700 Doolar Yurub ilaa Soomaliya.

Labada Diyaaradood ee kala ah Turkey Airline iyo Qadar Aiways ayaa waxuu Tikirkooda marayaa Yurub-Soomaaliya 1000-13000 Doolar waa arinta keentay dad badan oo Soomaaliya inay Raacaan Diyaarada Ethopia.

Ethopian Airline waa Diyaraad ay leedahay Dowlada Itoobiya waxayna ka mid tahay Diyaradaha Africa mida ugu Fiican hadaysan ahayn mida Kowaad, waxay Sadex Jeer oo isku xigta gashay Kaalinta Kowaad ee abaal marinta ay Bixiso Skytrax 2019 World Airlines Awards.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.