Somaliland oo soo dhaweysay inuu Madaxwaynaha Puntland ka tanaasulo Sool iyo Sanaag

deni

Wasiirka warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ka jawaabay hadal ka soo baxay madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid CabdullaahI Deni, kaasi oo ahaa in wadahadal dhab ah ay la gali doonaan Soomaaliland kana tanaasulaya Gobolada Sool iyo Sanaag hadii ay danta Puntland ku jirto.

Wasiirka ayaa Waxaa uu sheegay in deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ay ka dhaceen dagaalo iyo dhibaatooyin  badan ,hayeeshee uu rajeynayo inaysan soo laaban, isagoona shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin in ay Puntland ka wada hadlaan Horumarka Shacabka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland ayaa waxaa uu tilmaamay in Maxaabiis badan ay sii daayeen  Soomaaliland iyo Puntland,isla markaana dhankooda ay diyaar u yihiin wixii dani  ay ugu jirto Shacabka dega Soomaaliland iyo Puntland oo ku aadan dhanka Nabada ah.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu Soomaaliland ugu baaqay in ay wadahadal lagu dhameeyo dhibooyinka ka dhexeeyo labada dhinac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.