Nin Qirtay inuu Kufsaday Caa’isha Ilyaas

ilyaas

Garsooreyaasha maxkamadda sare ee Puntland ayaa Shalay u fariista kiiska la xiriira kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan, hase ahaatee arrintii ayaa waji kale yeelatay markii uu maxkamadda horteeda nin ka qirtay inuu kufsigaas geystay.

Xukunkii ay horay maxkamadda darajada koowaad iyo maxkamadda racfaanka ku rideen raggii ku eedeysnaa falkaas ayaa laga qabay dood, balse waxaa maanta mar qura isbaddalay sida ay wax u socdeen.

Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay kufsiga Caasho, hal marna uu “u galmooday”.

Sidoo kale wuxuu sheegay in falkaas ay kula jireen nin kale, oo aan wali gacanta lagu soo dhigin iyo mid maaxta maxkamadda lala geeyay.

Maxamed Xareed, oo ah xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee Puntland ayaa BBC-da u sheegay in qirashada Cabdifataax ay isbaddal ku keentay kiiska.

“Maanta waxaa kiiska kusoo kordhay in Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, oo ahaa xukumanaha koowaad uu qiraal ku noqday inuu Caasha kufsaday una tagay hal mar. horay waa loo sameeyay baaritaanno badan laakiin qofka bani’aadanka ah qalbigiisa waxa ku jira gacanta loogama soo saari haro, gacantana intaan afkiisa galino kama soo saari karno waxa ku jira, labadii maxkamadood ee hore wuu inkiray falka, tanna qiraal buu ku ahaa”, ayuu yiri Maxamed Xareed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.