Wasiir Goodax oo amaanay dilkii shalay Ashabaab loogu gaystay Muqdisho

goiodax

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa boogaadiyey talaabadddii Ciidanka Boolisku ka qaadeen Koox dhagar qabayaal ah oo doonayey inay dilaan Lataliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta sare.

Wasiir Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in Sarkaal kamid ah Wasaaradda Waxbarashada uu u qabilsanaa dhanka latalinta arrimaha Dhulka.

Wasiirka ayaa qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Faceboogga

“Waxaan bogaadinayaa uguna hambalyeynayaa Ciidanka Booliiska degmada Howlwadaag, feejignaanta iyo ka hortagga ay maanta dhagar qabayaasha uga hortageen in ay dhibaato u geystaan Lataliyaha Wasaaradda ee Arrimaha Dhulka iyo Hantida Maguurtada. Waa guul u soo hoyatay dhammaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaan rajeynayaa in aad sii laba jibbaari doontaan badbaadinta bulshada Soomaaliyeed”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.