Akhriso:Qaramada Midowday oo sheegtay inaysan Marnama Aqbalayn natiijada doorashada Jubaland

james

Wakiilka Qaramada Midowday ee Soomaaliya, James Swan ayaa warqad qoraala oo u diray guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland ee Axmed Madoobe Magacawday Xamza Cabdi Barre ugu sheegay isbeddelada guddiga Doorashada Jubbaland ay sameeyeen sida maalmaha lagu daray Doorashada Musharaxiinta inaysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado, si loogu kalsoonaado hannaanka doorashada Jubaland.

James Swan ayaa waxa kaloo Qoraalkiisa ku sheegay 8da August 2019 inuu Warqad Qoraala udiray Gudiga doorashada Jubbaland asagoo ka wakiila Beesha Caalamka inay mahiim tahay in la helo hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay islamarkaana heli kara taageerada Bulshada Jubaland.

Wakiilka QM ayaa sheegay in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.