Soomalidu waa inay indhaha Furto oo ku Baraarugto cadowga dalkooda kusoo duulay

Fiqi

SOOMALIDU WAA IN AY INDHAHA FURTO OO KU BARAARUGTO IN DALKOODA CADAW DUULAAN KU HAYO AYYAGA OO BIIRIQAATAYAAL DADKA KA MID AH ADEEGSANAAYA!!!

Dareen la,aanta dadkayaga sow wax lala yaabo maaha?dayyac aan dalka iyo diinta dayacayno sow darxuma ma aha? Qabyaalada indhaha, dhegaha iyo akhligaba naga qaaday maxaan uga ilbixi la,nahay? Ma ognahay in kuwa isku sheeega aqoonyahanada intooda badan yihiin kuwa bulshada Soomaalida u liita? Ma idiin sheegaa afar arimood oo aqoonyahanada raga sheegta ee idebadaha ka yimaadaa ka dhigay wax aad u liita oo ka hooseeya bulshadiii ay indhaha u noqon lahaayeen?

1-Waxay dibada kala soo laabtaan diin la’aan oo diintii islaamka ee lagu dhalay meel bay iska dhigaan ,in kasta oo ayyan kula dhicin dadka in ay caddeystaan.

2-Maal jacayl siyaado ah oo deg deg in ay hanti ku sameeyaan baa ka wada go,an.

3-Wadaniyad xumo ayyan dalka iyo dadka u naxayn oo nacfi dhaafsanayaan.

4-Qabyaalada darajada PHD iyo master(DEGREE) ay taqasus ku sameynayeen intii ay dalka ka maqnaayeen,si ay uga faa,ideystaan bulshadii qabyaalada la ildarneyd oo in ay wax ka badalaan la rabay ,waxayna u horseedaan meeshii meel ka sii foolxun.

-Afartaan waxyaalood cilmi baaris baan ku sameeyey ee Soomaalidu hoos ha u eegeen oo wiilashii wax noo soo bartay ee aad loo qadariyo marka ay dalka ku soo laabtaan,halkii laga doonaayey in ay wax ka badalaan bulshada qabyaaladu ragadisay,maxay uga sii daraan?

-Nimanka mucaaradka sheegta oo barfasoorada iyo jaamiciyiinta sheegta khalkhalka ay dadka iyo dalka ku hayaan ee dawladu ka shaqeyn la,dahay iyo dhibaatooyinka ay ayyagu abuuraan dhaliisha nooga dhigaan ayyaga oo adeegsanaya caadifada qabyaalada oo meelaha dalku u nugul yahay sida amniga hadba farta ku fiiqa,bal ila eega sanadkaan USA waxaa ka dhacay 50 weerar,halka UK lagu dilay 65 dhalinyaro Soomaaliya,ummadaha naga badan maxaad u malayn?

-Bal wax ka dhaha kuwa golayaasha shrcidejinta ka midka ah oo afartii sano ka sii dhammaaneyso oo aan maalin qura soo xaadirin kalfadhiyaasha golayaasha.oo weliba dawlado dalka cadaw u ah xilal ay kula dagaalamaan dawlada Soomaliya ugu magacaaban.!!

-Bal wax ka dhaha kuwii Imbeggaati Kenya nooga soo qaaday Federaal ee yiri isma aamini karno.

-Bal wax ka dhaha kuwa Federaalka baan difaacaynaa leh ee in aan la wada shaqayn had iyo jeer ku hawlan.

-Bal wax ka dhaha kuwa Hobyo iyo Kismaanyo isku kala qaybiyey ee hortaagan in Jubalaand iyo Galmudug lagu heshiiyo oo weliba taageeraaya dhinacyada xakhdarada wada oo aan wada garan garno,dariiqa ay u marayaana tahay qabyaalada kaankarada noqotay oo laga buskoon la,yahay.

Isku soo wada duub federaalka qabyaaladeysan waa silsilad lugaha iyo gacmaha nala kaga xirey si aan Meesha aan nalo anaan horey ugu socon,waxaana loo samaystay ciidama badan oo aqoonyahano u horeeyaan,aan magaca fiican ka deyno oo u bixino(ARAGTIXUMAYAAL AMA BALASOORYO OO AAN UGU BEDELONO MAGACII BARFASOORO iyo aqnnyahano.

WABILAAHI TOWFIIQ,

JIMCAALE

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.