Daawo:Guddiga Dib-u-heshiisiinta Galmudug Oo Kormeeray Xarunta Shirka Lagu Qabanayo ee Dhuusamareeb

Dhuusamareeb, Khamiis, Agoosto 15, 2019—-Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow  iyo Xubnaha kale ee  guddiga ayaa maanta kormeeray xarunta loogu tala galay in uu ka dhoco shir-weynaha dib-u-heshiisiinta iyo goobaha ay degayaan ergada ka qayb geleysa shirka.

Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa sheegay in lasoo gebagebeeyay diyaar garowga shirka ayna diyaar yihiin dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ku xeernaa shirka, dhammaan dhinacya shirka ka qeyb geli lahaana ay liiska ergada u soo direen guddiga. 

Guddoomiyaha guddiga ayaa caddeeyay in ay dhimantahahay oo kali ah in ergada la keeno magaalada Dhuusamareeb si 17-ka bisha uu u si rasmi ah u furmo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.