Daawo:Ciidanka amniga ayaa degmada howl-wadaag ku toogtay 4 ka tirsan argagixisada Alahabaab

Ciidanka Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in maanta oo jimca ah ay KHaarajiyaan dhagar qabayaal katirsan Argagixisada Al-Shabaab kuwaas oo isku dayay in ay dilaan agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo salaadda Khudbada ku tukanayay masjid kuyaala agagaarka Suuqa-Bakaaraha.

Dhagar qabayaashani oo ay toogteen ciidanka boliiska ayaa mid kamid ah waxa ay aheyd haweeyney,taasi oo hubka u qeybineysay dhagarqabayaasha la toogtya is ay ugu dagaalamaan,waxeyna hubka kusiday bacda idin muuqato.

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday”. Ayay tiri Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.