Axmed Madoobe oo Looga digay xasilooni darro ka dhacdo Doorashada Jubbaland

Qaramada Midoobay’ Midowga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa War Saxaafadeed Wadajir ah kasoo saaray Khilaafka ka taagan Doorashada Jubbaland.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhinacyadan ay ka Walaacsan yihiin Xaalada islamarkaana hadi aan la Xalin ay sababi karto Xasilooni daro.

AU’ IGAD iyo UN ayaa ku celiyay Baahida loo qabo Hanaan Doorasho oo la isku raacsan yahay iyadoo la eegaayo Dastuurka Jubbaland iyo Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya.

Wafdigan ka socday Beesha Caalamka Waxay ku adkeysteen in horumar dheeri ah laga gaaro hanaanka hadda socda ee ay hogaamineyso JIBEC si loo hubiyo inay tahay mid la isku halleyn karo, loo dhan yahay oo wax weyn ka tari karta jiritaanka guud ahaan Jubaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.