Sawiro:Kulan adag oo Garoonka Kismaayo ku dhexmaray Beesha Caalamka Odayaasha iyo Musharaxiinta Jubbaland

Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ah ee Jubbaland waxaa gaaray wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia James Swan oo waheliyaan IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom wakiilo ka socda Dalalka Soomaliya Safaradaha ku leh waxaayna garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kula kulmeen odayaasha dhaqanka rasmiga ah iyo Musharaxiinta Jubbaland ee kasoo horjeedo Axmed Madoobe.

kulankaan waxaa looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo sida ay u qabsoomi lahayd Dooraasho xalaaala, waxayna Ugaasyada , Nabadoonada Jubbaland u sheegay Ergayga qaramada Midoobay iyo waftiga kale ee Beesha calaamka ka socda inaysan Aqbalayn Xildhibanada Axmed madoobe magacowday ayna Doorteen Xildhibaanada Rasmiga ee Jubbaland.

Ergayga qaramada midoobay ayaa u sheegay Ugaasyada iyo Musharaxinta Jubbaland inay Kismaayo u yimaadeen sidii xal loogu heli lahaa Qalalaasaha ka jira Doorashada Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.