Sawiro:Axmed Madoobe iyo Wakiilada Qaramada Midoobay IGad Amisom oo shir uga socdo Kismaayo

Madaxweynihii Hore ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka qaldan ee ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ku wargaliyey inaysan sax ahayn qaabka ay usocoto doorashada Jubbaland lana garab maray nidaamkii saxda ahaa waxaana uga digay Maamulka Jubbaland ee waqtigooda dhamaaday wixii dhiba oo ka dhaca Kismaayo inay Masuuliyadeeda lee yihiin beesha Caalankuna aysan aqbalayn doorasho aan loo marin nidaam sax ah oo cadaalad ku dhisan.

kualnkaas waxii kasoo baxa wararkeena dambe kala socda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.