Kulan dhex maray Saraakiil ka socday Itoobiya iyo Axmwd Madoobe ayaa kusoo dhamaaday is fahan waa.

axmed madoobe

Magaalada Kismaayo waxaa kulan ku dhexmaray Madaxwaynihii Hore ee Jubbaland Axmed Madoobe iyo saraakiil ka socotay Dowlada Itoobiya.

Saraakiisha Itoobiya waxay dalba deen in markale dib loogu noqdo doorashada Jubbaland odayaasha saxda ahna soo xulaan Xildhibaanada Jubbaland si meesha looga saaro qilaafka hareeyey doorashada Jubbaland.

Madaxweynihii hore ee Jubbaland ayaa saraakiisha u sheegay in arrinta la xiriirta isdiiwaangelinta doorashada ay u taallo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka halka xayiraada la saaray mas’uuliyiinta dowladda sidoo kale uu yahay go’aan Gole Wasiiro iyagana dib loogu celinayo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Saraakiishii ka socotay Sirdoonka Itoobiya ay dib ugu soo laabteen Magalada Muqdisho oo markii hore ay ka tageen waxaana fashilmay wada hadalkii u dhaxeeyey saraakiisha Itoobiya iyo Madaxwaynihii hore ee Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.