Kenya ayaa xirtay Xududka ay lawadaagto Soomaliya

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxay Sheegayaan inay Kenya xirtay Xuduuda ay lawadaagto Soomaaliya.

Guddomiyaha Degmada Ceelwaaq Kenya ayaa waxuu maanta sheegay Dowlada Kenya inay xirtay Xuduuda ay lawadaagto Soomaaliya sidaas awgeedna Gadiidkii iyo dadkii iskaga Gudbi jiray labada Degmo Ceelwaaq iyo Ceel qaalow ay joogsadeen.

Kenya ayaa horay u xirtay xadka Degmada Mandheere Kenya taas oo dhib wayn ku qabaan Bulshada ku dhaqan Degmada Mandheere oo Maciishada uga timaada Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Maamulka Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa habeenkii u hoyda Ceel qaalow lama garanaayo inuu samayn doono amarkaan kasoo baxay Dowlada Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.