Shirka dib u heshisiinta Galmudug oo lagu dhawaaqay xiliga la qabanayo

Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiinta Beelaha Galmudug ayaa waxaa ay soo saareen habraac Shirkaas oo diyaar garoowgiisa uu ka socdo deegaanada Maamulka Galmudug.

Guddiga shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa soo saaray Shan qodob oo uu ku furmo karo shirkaas, oo lagu wado in Magalada Dhuusamareeb uu ka furmo 17 ka Bishaan,waxaana Go’aanada ay soo saareen ka mid ah.

1-Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.

2-Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.

3-Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.

4-War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.

5-Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.