Dhageyso:Nin Kenyan ah oo lagu dilay Boosaaso iyo Qarax ka dhacay Magaladaas

Nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Kenya ayaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Ninkan ayaa ka shaqeynayey shirkadda kalluumaysiga Ocean, waxaana dilkiisa gaystay askari ka mid ahaa ilaalda shirkadda.

Taliyaha booliska qeybta gobolka Bari ayaa VOA u sheegay in la hayo ninkii dilka gaystay.

Dhinaca waxa magaalada maanta ka dhacay qarax lala beegsaday ciidamada amniga waxaana qaraxaas ku dhaawacmay hal askari sida ya sheegeen laamaha amniga.

Amniga Magaalada Boosaaso ayaa waxba iska badalin tan iyo intii la doortay Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni (Siciid Yoga)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.