Akhriso:Gudiga Doorashada Jubbaland oo isku Qilaafay qoraal loo diray Qaramada midoobay

Maalmo ka hor bay ahayd markii Wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan Warqad qoraala u diray Gudoomiyaha Doorashada iyo Madaxwaynaha Jubbaland taas oo looga dalbanaayey inay isbadal lagu sameeyo qaabka ay usocoto doorashada Jubbaland.

Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashada iyo Xuduudaha Jubbaland Axmed Cumar Maxamed ayaa waxuu sheegay inaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland isku waafaqsanayn qoraalka hoos ku xusan ee uu saxiixay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Jubbaland Xamsa Cabdi Ibraahim.

Qoraalkan oo loo diray beesha caalamka kama tarjumaayo rabitaanka Guddiga iyo danta dadka Jubbaland midna.

Waxaan rajaynaynaa in hawlihii Guddiga dib loogu soo celiyo Guddiga isla markaana looga jawaabo cabashooyinka dadka reer Jubbaland iyo kuwa beesha caalamkaba si ay danta dadka Jubbaland ku jirto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.