Sawiro:Ra’iisalwasaare Khayre iyo Masuuliyiin kale ayaa Salaadda Ciidda Kumanaan Shacab ah kula dukaday Masjidka Isbahaysiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta salaadda Ciidda kula dukaday masjidka Isbaheysiga Islaamka kumannaan ruux oo ka mid ah bulshada ku nool gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha oo Salaadda kadib la hadlay Kumannaanki Shacabka ahaa ee Salaadda ku dukaday Masjidka Isbahaysiga ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa, isagoo u rajeyay in ay ku Ciidaan farxad iyo Caafimaad.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka, Xildhibaanno, Wasiirro iyo Culimaa udiinka Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa Masuuliyiinti Shacabka kula dukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka, iyagoo Hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidda u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.