Sawiro:Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa qado Sharaf U sameeyey Odayaasha Dhaqanka Gobolka Gedo

Wasiirka wasaarada Amniga ee Jubaland Cabdirashiid xasan Cabdinuur ayaa Maanta Qado Sharaf soo dhawayn ah u samayey Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Gedo oo uu Hogaaminaayo ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow oo u Yimid Magalada Kismaayo soo Xulista Baarlamaanka Cusub dowlad Goboleedka Jubaland.

Waxaana kala soo qayb galay qaar kamid ah Wasiirada Dawlad Goboleedka Jubaland Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Siyaasiyiin wasiirka Amniga ee Jubaland ayaa u sheegay Odayaasha dhaqanka inay ka shaqeyaan Maslaxada Umada reer Jubaland ayna si wada jir ah oo Ixtiraamleh u wada shaqeeyaan.

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan yarrow oo ku Hadlayey afka Dhaqanka Gobolka Gedo ayaa uga Mahadceliyey Wasiirka Soo dhawaynta uu ugu sameyey wasaarada Amniga wuxuuna ugu baaqay in Midnimada Ummada la adkeeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.