Akhriso:Axmed Madoobe oo been ka sheegay hadal uusan oran Wakiilka Qaramada Midoobay

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, ayaa halkaas kula kulmay madaxda dowlad goboleedka Jubbaland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Ergeyga ayaa war saxaafadeed ku sheegay in uu wadahalo furan, oo dhab-ka-hadal ah la yeeshay Axmed Islaam, uuna u caddeeyay moowqifka Qaramada Midoobay ee ah in halkaas ay ka dhacdo doorasho xaq ah.

“Waxaan hoosta ka xariiqay aragtida beesha caalamka ee ah in hannaanka doorashada ay u dhacdo qalalaase la’aan, xilligeedii ku qabsoonto, si farogalin la’aan ah, taas oo loo raacay habkii hufnaanta ee xaqa ahayd, taas oo ay aqbali karaan dhammaan dhinacyada. Hannaankan ayaa horseedi kara nabad, xasilooni, iyo horumar dhaqaale oo ay Jubbaland gaarto” ayuu lagu yiri war saxaafadeedka.

https://unsom.unmissions.org/srsg-swan-reaffirms-un%E2%80%99s-solidarity–kismayo-terror-attack

Axmed madoobe ayaa waxuu ku been abuurtay ergayga qaramada Midoobay James Swan asagoo ka sheegay qodobo aanan ku xusnayn qoraaalka xafiiska Qaramada Midoobay , waxaana lagu yiri “Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay isku raaceen in waxa wadanka lagu kala hagi karo uu yahay dastuurka dalka u yaala oo lagu dhaqmo mar uu ka hadlayay arimaha doorashooyinkana wuxuu sheegay in la isku raacay in Arimahaas looga danbaynayo gudiga doorashooyinka iyo odayaasha dhaqanka”.

Qoraalka Jubbaland oo sii socda ayaa lagu yiri “Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in goobta ay ka dhacayso doorashada iyo amnigeedaba la isku raacay in ay tahay masuuliyad u taala Jubbaland”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.