Sawiro:Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo Kismaayo Soo gaaray

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kale oo kasocday Hay”adaha Qaramada Midoobay.

Kulankan oo lagaga hadlay qodobo kala duwan ayaa marka uu soo dhamaaday Waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Danjiraha Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland.

Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay waxaana uu Jubbaland uga Tacsiyeeyay weerarkii Argagixisonimo ee lagu qaaday Hotel Madiina waxaa Safiirku uu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Dowlada iyo shacabka Jubbaland oo xanuunka ay la qabsanayso.

Waxaa kale oo danjirahu uu sheegay in kulanka isaga iyo Madaxweynaha lagaga hadlay kobcinta dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga arimahaasna ay Qaramada Midoobay ka tageerayso Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.