Sawiro:Madaxweynaha Hirshabeele oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Maamulka Hir-shabeele Maxamed Cabdi Waare , ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya, C/llaahi Faarax Wehliye, Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxwayne Waare ayaa waxa uu sheegay inay Galmudug u yimaadeen bogaadinta howlaha uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka wado Galmudug iyo xallinta colaad Beeleed dhowaan ka dhacday  degaanno ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud.

“Waxaan halkan u imi Inaan dhiirr gelinno dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu halkan ka wado ee lagu nabadeynayo degaannada Galmudug, Galmudug oo toosta waa Hirshabeelle oo toosta” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa ammaanay geeddi socodka loogu jiro in la helo Galmudug cusub, taas oo uu ku tilmaamay in dhammaan Dadka halkaasi ku dhaqan ay isla Jaan qaadaan, si laysaga Garabsasdo cadowda.

Wuxuu sheegay in Hirshabeelle iyo Galmudug aysan kala maarmin, xag nololeed ,xag amni iyo xag wax wada qabsi, wuxuuna sheegay in Labada maamul ay ku nool yihiin Dad walaalo ah oo aan sinnaba ku kala go’in, loona baahan yahay in is kaashadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.