Shabaab oo laga xoreeyey degaano ka tirsan shabeellaha Hoose

odawaa

Ciidamada Xoogga dalka ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanno iyo Tuulooyin hoos yimaada Gobolka shabeellaha hoose.

Howlgalkaan oo ay Ciidamadu ku qaadeen deegaanno iyo Tuulooyin u dhaxeeya degmada Walaweyn iyo deegaanka Leego ayaa waxey maleeshiyada argagixisada Alshabaab ka saareen deegaanno badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadka rayidka ah.

Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku dileen ku dhawaad 15 maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayna ka gubeen gaadiid ay lahaayeen argagixisada, isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada cadowga looga saarayo guud ahaan dalka.

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dardar gelinaya howlgallo argagixisada looga sifeynaayo deegaanada ay kaga dhuumaaleysanayaan Gobolada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.