Senator Fartaag Ayaa Cambarayn dusha uga Tuuray Xildhibaan Xasan yare baaqna u diray Madaxwaynaha Jubbaland

Senator Cabdulaahi Shiiq ismaaciil Fartaag oo kamida aqalka Sarre ee Soomaaliya laga soo doorto Jubbaland ayaa waxuu Cambareyn ujeediyey Xildhibaan Xasan yare oo kamida Xildhibaanada Dowlada Soomaliya kaas oo sheegay qaraxii Kismaayo dhacay in laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya.

Senator Fartaag ayaa waxuu sheegay hadalka Kasoo yeeray Xildhibaan xasan yare inuu yahay Hadal aan laga fiirsan gafna ku ah Dowlada Soomaliyeed iyo Bulshada jubbaland xili ay Shacabka iyo Maamulka Jubbaland ay utaalo Tacsi.

Senator Fartaag ayaa ugu baaqay Madaxda ugu sareeysa Maamul Goboleedka Jubbaland oo ugu Horeeyo Madaxwayne Axmed Madoobe inuu Cambaareyo hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaan Xasan yare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.