Weerarkii Magaalada Kismaayo oo lasoo afjaray

Ciidamada amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in soo afjaray weerarka oo iyaga haatan gudaha u galeen hoteelka.

Ilaa haatan lama xaqiijin karo baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi balse warar hordhac ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen halka dhaawac badan oo aan tiradiisa la xaqiijin la dhigay Isbitaalka maagaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday dad magac leh oo ay ka mid yihiin Wariye Maxamed Cumar Gacmadheere, Deeq Ciise wabi, Hodan Naaaleeye iyo odaygwedii Jaamac Fariid.

Weerarka ayaa waxaa uu biloowday 6-dii fiidnimo ee xalay kaasi oo laso afjaray Saaka subaxii hore, waxaa weeararka mas’uuliyaddisa sheegteen ururka Al-Shabaab .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.