Muqdisho:28 Sano Guri Xoog lagu haystay ayaa loo soo ceshay dadkii lahaa

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta ku guuleystay in uu dib Gurigeeda ugu soo celiyo , Luul Maxamed Axmed (Luul dikriyoow), oo muddo 28 Sana ah xoog looga haystay.

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Injineer; C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow), ayaa sheegay, in Dadkii deggenaa ay diideen in ay ka guuraan, balse ay awood u adeegsadeen.

“Dadkii deggenaa oo diiddanaa in ay u banneeyaan ayaan u sheegnay inaan sharciga horgeyneyno oo ay Xabsi muteysanayaan iyo in aan ku soo dallaceyno kiro 28 Sano ah haddii aysan deg-deg uga bixin, tan ayaa suurto gelisay in aan Maanta ku wareejinno”ayuu yiri Guddoomiye, Yariisoow.

Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hor kacayo Duqa Muqdisho Injineer C/raxmaan Yariisoow ayaa marar badan Guryahii ay lahaayeen ku wareejiyay Dadkii lahaa oo laga haystay muddo dheer.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.