Maxaa Nala Gudboon Kadib Qaraxii Kismaayo ka dhacay???

Qaraxii dhacay shalay ka dib maxaa nala gudboon in aay sameyno. Hadday noqonlahayd maamulka Kismaayo, dowladda federaalka iyo shacabkaba.

MAAMULKA JUBALAND:

Maamulka Jubaland waxaa la gudboon;
1. In aay tacsi iyo baroordiiq u sameeyaan dadkii ku geeriyoodey qaraxa.
2. In calanka Jubaland iyo kan federaalkaba maalmo mucayin ah hoos loo dhigo.
3. In baaritaan qotadheer lagu sameeyo dhacdadani dad iyo maalba halaagtey.

DOWLADA FEDERAALKA:

1. In aay u soo gurmato maamulka iyo shacabka Jubaland, wax Alla waxii kaalma ah ee aay awoodana la soo gaarto.
2. In aay baaritaanka arrintani ku soo biiriso waxii agab, khibrad, iyo farsamo ah ee aay ku dhaanto maamulka Jubaland, si buuxdana uga qaybqaadato baaritaanka.

SHACABKA SOOMAALIYEED:

Shacabka Jubaland waxaa la gudboon;
1. In aay isdejiyaan, tacsida iyo tiiraanyada aay la qeybsadaan qoysaska, ehelada iyo asxaabta aay ka geeriyoodeen dadka qaraxa ku halaagmey.
2. In aay foojignaadaan lana shaqeeyaan hayadaha arrintani baaraya.
3. In aay ka dhursugaan waxii baaritaankaasi ka soo baxa oo ayan ka hordhicin.

Waxaan Alla ka rajeynayaa in ciddii arrintani soo maleegtay, fududeysey, ka qaybqaadatey ama fulisey falkan waxashnimada ah ceebtooda uusan Alla asturin, dibadana soo dhigo.

Yuusuf Ducaale,
Musharax MJ

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.