Dhageyso:Arintii Yoogada ee ka dhacday Garoowe Shacbiga Puntland Kama Jawaabin

deni

ARINTII YOOGADA EE KA DHACDAY GAROOWE SHACBIGA PUNTILAAND KAMA JAWAABIN SIDII AAN FILAAYEY.

Waa arin aan la fududeysan Karin waa arin naxdin iyo argagax leh,waa yaab iyo fajiciso lama arag iyo lama maqal ah iyo lagama sheekayn laba waxyaalood cayaar ma galaan qabyaalad iyo nin jecleysina waa ka xaraan qofkii aqligiisu fiyowyahay, tan koowaad waa Diinta, tan labaadna waa dalka waayo waqtiga gaaban ee nolasha hantida rasmiga ah ee qofku leeyahay oo uusan cidna marti ugu ahayn oo uu manaafacaadsan karo waa dalka,mudada dheer ee aan dhamaadka  lahayn rajada kaliya ee qofku qabaa waa in uu sida ay tahay uu ugu dhaqmaa Diinta Islaamka oo aan nasiibka u yeelanay iyo hibada Ebbe in aan nahay boqolkiiba boqol muslim ALLAA MAHADAAS ISKA LEH.

1-Haddaba waxaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntilaandi inta cilmiga u saaxiibka ah aan weydiinayaa masuulka qofka ah ee dadka hoggaanka u ah muslimkaa oo sidaas lagu doortay haddii uu ridoobo shuruudii lagu doortay markii horena ay ugu weyneyd waa in uu yahay qof muslim ah, ma sii ahaan karaa hoggaanka dadkii muslimka ahaa ee doortay?

2-Qodobka kale ninkii hoggaamiyaha dadka muslimkaa u ahaa haddii ay caddaato in uu ridoobay dadkii muslimnimada ku doortay haday ka falcelin waayaan oo oran kariwaayaan ayyaga oo awoodi kara xilka noo dhig murtidnimo kuguma aanaan doorane,oo ay sidaas raali uga noqdaan ee shacbi ahaan sacabka ugu tumaan,bulshadaas maxaa ka soo gaari kara caqiida ahaan maadaama ay yihiin dad muslim ah?

Labada Su’aalood waxay u baahan yihiin dad shareecada islaamka wax ka garanayaa in ay ka jawaabaan waayo ninkii iskii u ridooba waa u bareeray oo dadkii Yoogada ka qaybgalay ayyagu waa u bareereen mana islihi ogaal la,aan baa u geysay Toobadkeena waa u furan yahay siddii dad badan oo culumo ku jirtay ka hadleen,sidaas darted culumada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntilaandi shacbiga puntilaand ha u cadeeyeen in dadkii Yoogada ka qaybgalay oo madaxweynuhu hogaaminaayey ay xilkooda hoggaamineed iyo mas,uuliyadeed ku raali noqon karaan oo sidaas ugu sacbiyaan oo u sara kacaan?

Wabilaahi Towfiiq,

Cabdullahi Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.